Sidee Affiliate marketing lacag loga sameya

 



HORDHAC.

waxaa jira noocyo badan oo internetka lacag looga sameeyo balse qormadeydaan

waxaan xooga ku saari doonaa hal nooc oo kamid aha noocyadaas walibana ah

mid kamid ah kuwooda ugu caansan uguna fudud aan kaaga baahneyn inaad

lacag badan kubilaawdo si fududna islamantaba aad ubilaabi karto.

Affiliate Marketing waa online business qofwaliba oo dunida joogo qaban karo

Rag iyo Dumarba wey qaban karaan oo mid gooni uu uquseeyo maleh.

insha allah halkaan waxaan kugu soo gudbinayaa step by step waxa aad

ubaahantahay si aad ubilaawdo affiliate marketing business anigoo kusiin doona

waxwaliba oo tusaale ah oo aad ugu baahato ganacsigaan.

ugu horeyn waxaa laga yaabaa inaad weydiineyso waa maxay affiliate marketing

sideese ushaqeeyaa ??

waa suaal wanaagsan mudanna in leys weydiiyo.

Affiliate Marketing waa ganacsi online-ka kadhaca kaasoo aad ugu xayeysiineyso

shirkad alaab ay leedahay internet-ka kadibna aad kuheleyso lacag conmmission

ah markii alaabtaas la iibsado.

waa intaas kaliya adiga alaabtaas ayad ugu xayeyssineysaa online-ka link kuu qaas

ah ayey kusiinayaan linkigaas cidii ka iibsata alaabta ayaad lacag ku heleysaa adoo

waxkale qaban.

Hadaba si aad u billawdo ganacsigaan raac 7daan step si taxadar leh ma adka

kaliya isku day inad apply- gareyso aad ayey ufudud yihiin .

Gancasiga noocaas ah waxaa loo yaqaanaa Affiliate Marketing.


Step 01- Sameeyso Affiliate Account.

ugu horeyn waxaad ubaahantahay inaad sameysato akoon affiliate ah si aad

ugu shaqeysato.

si aad usameysato akoon affiliate ah wax lacag ah kagama baxeyso kaliya iska

diiwaan geli mid kamid ah website- yadaan hoos kaaga muuqda si aad ugu

shaqeysato alaabtana ugu xaeysiiso .

1- Clickbank.com

2- digistore24.com

3- warriorplus.com

4- jvzoo.com

5- markethealth.com

6- bluehost.com

7- amazonassociates.com

intaas website iyo inkabadan ayaad kaga shaqeysan kartaa xirfadaan.


Step 02- Dooro suuqii aad kashaqeysan laheyd.

Marka aad soo sameysato akoonkaagii affiliate-ka ahaa waxaa kugu xigo inaad

doorato suuqii aad kashaqeysan laheyd waayo website waliba waxaa yaalo alaab

aad ufara badan oo iskugu jirta noocyo fara badan , intabadan waxaa ladoortaa

suuqyada alaabtooda aadka loo iibsado lehna dalabaad fara badan.

3xdaan suuq midkamid ah dooro si aad alaabtooda usuuqgeyso.

1- Health and fitness

2- Make Money Online

3- Self Help and Relationships

waa saddexda suuq ee alaabtooda online-ka aadka looga iibsado , kaliya adiga

midkamid ah dooro asagaasna xooga saar.


Step 03- Dooro alaabtii aad suuqeyn laheyd.

isku mid ma ahan dhamaan alaabta taalo suuqa wey kala fiican yihiin hadaba

sidee ku ogaana alaabta fiican ee aan suuqgeyn karo si aan uhelo cid iga iibsata.

si aad udoorato alaab wanaagsan raac 3xdaan tilmaam.

1- waa in alaabta aad dooraneyso ay leedahay suuq oo ay dadka iibsanaayaan

xiligaas. waayo alaab aan suuq ama dalab laheyn cid rabto maleh cidna

kaama iibsaneyso shardiga 1aad waa in alaabta ay leedahay suuq dadkana

ay iibsanayaan.

2- shardiga 2aad waa in qiimaha commission-ka aad kaheleyso alaabta

markaas aad suuqeyneyso ay udhaxeyso 50 % ilaa 100 %.

tusaale alaab aad kaheleyso 10% marka lagaa iibsado iyo mid aad kaheleyso 75%

isku mid miyaa ? isku mid ma ahan waxaa qasab aha inaad doorato alaab leh

commission sare si aad ufaaido.

3- shardiga 3xaad waa in alaabta marka la iibsado aad celcelis ahaan kaheli

karo $50 iyo wax kabadan halkii iib aad sameyso , waxaa dhici karta in

alaabta qiimaheeda hooseeyo laguna dhaho 75% commission lagu siinaa.

3xdaas sharrdi ayaa alaabta wanaagsan lagu doortaa waana muhiim inaad

kafiiriso alaab waliba ad online-ka ku xayeysiineyso waayo adiga dadaal iyo lacag

xayeysiin ayaa kaa baxeysa waa inaad ku xisaabtantaa waxa kaa soo galaayo iney

noqdaan wax u qalma dadaalkaga iyo lacagta aad kubixisay.



Step 04- Sameyso Landing Page

Landinga page waa warqad xayeysiin ah oo aad macaamiilka emailkiisa kaga

qabaneyso si aad hadhow ula xariirto .

sida caadiga ah qofka ugu horeyn marku arko alaabta ma iibsanaayo waa inu

waxbadan kataxadaaraa sida caadada ah waxaa laga yaaba inusan heysan lacagtii

u uku iibsan lahaa alaabta , waxaa dhici karta inuu weli gu’aan buuxo qaadan si uu

u iibsado alaabta sidaa darteed wad kuqasaban tahay macaamiilka inaad

emailkiisa ka qabato si aad hadhow dib ula xariirto marwalibna xasuusiso alaabtii

ilaa uu ka iibsanaayo ama uu iskaga tagaayo.

waxaa jira shirkad baxsho adeega landing page

-ka ayfaas ayaad ka iibsaneysaa

waana muhiim inaad heysatato software-kaas lagu sameysanaayo warqadaas xayeysiinta ( landing page )

waxaan kutalinaa inaad qaadato Getresponse si aad ugu sameysato landing page-

kaaga wayo asaa ku raqiisan marka labarbardhigo kuwa kale sida Clickfunnels iyo

Builderall oo kale


Step 05- Diyaarso Autoresponder Emails.

Step-kaan waa muhiim kadib markaad landing page-kaaga diyaartsato waa inaad 

diyaarisaa emails taxano ah kuwaas aad udiri doonto macaamiilkaaga kadib 

markuu landing page-kaaga iska soo diiwaan geliyo.

emails-ka halmar ayaad diyaarineysaa system-ka ayaa si automatic ah ugu diraayo 

macaamiilka maalinwaliba.

waxaa jira softwares loo isticmaalo barnaamijkaan lkn uma baahnid midkale 

hadaad heysato Getresponse waayo asiga landing page kusameysan kartaa isla 

asaga ayaana emails-ka kudiri kartaa oo lacag kale midkale ha kubixin.


Step 06- Sameyso Tracking Tool Software

Tracking Tool software waxuu kaa saacidaa inaad lasocoto dhaqdhaqaaqa 

ganacsigaada waxuu kaa saacidaa inaad ogaato inta iib aad heshay halka aad 

kaheshay iyo dhamaan waxii xog ah oo kusaabsan ganacsigaada si hadhow aad 

ula socoto halka ay wax kuu marayaan.

waxaa jira shirkado badan oo bixiya adeegaan waxaan kutalinaa Clickmagick 

inaad qaadato asaa ugu wanagsan aadna loo isticmaalaa.


Step 07- Usamee Xayeysiin Baadeecadada.

waa step-kii ugu dambeeyey ee aad sameyn laheyd waana inaad hesho macaamiil 

si ay kaaaga iibsadaan badeecada aad suuqgeyneyso.

labo qaabood ayaa loo suuqgeeyaa loona sameeyaa xayeysiinta.


Free Traffic – oo ah inaad si free ah macaamiilkii uraadiso waxaadna isticmaali

kartaa facebook groups . inaad ku xayeysiiso youtube ama Instagram page.

Paid Traffic – waa inaad lacag yar kubixisaa xayeysiin si aad macaamiilkii ciyow

uhesho waana mida aan kutalinaayo lacag badan kaagama baxeyso xayeysiinta

ciyowna waad helysaa macaamiilkii aad rabtay .

waxaad kuxayeysiin kartaa Google Ads, Facebook Ads, Instagram Ads , Youtbe Ads

Iyo Bing Ads midka aad rabto.

Affiliate Marketing Business ma adka qabashadiisa laakin waxey ubaahantahay

inaad ficil ubadasho waxyaalahaas an kuso shegay

Gunanad

Sxpyal waxa jirta oraah dhahesa reasons la imow ama results la imow oo ay micnahedu tahay ama excuse iyo marmarsiyo imow iyo biri ban qaban dona mise results la imow oo ah prefomences  ama natijo iyo waxqabad quruxbadan nasiibdarro labaduba xarafka   R  ayey ka bilabdan labaduba adiga ayaa kala Doran kartid 


                     


Post a Comment

Previous Post Next Post